Dood culus ayaa ka dhalatay shaqo ka eryid lagu sameeyay haweeney la-taliye u ahayd Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya, kadib qoraal lid ku ah Datuurka ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka oo ay soo dhigtay Barteeda ‘X’ (Tiwtter).
Qoraal kasoo baxay Wasiiry dowlaha Amniga xukuumadda Somaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa shaqadii la-taliyenimo looga eryay Samiira Gayd oo ka howlgeli jirtay Barnaamij uu maalgeliyo Midowga Yurub.
Shaqo ka eryida Samiir Geyd ayaa sabab looga dhigay inay ku dhaqaaqday tallaabo ka horjeeda heshiiskii shaqada, iyadoo ka hor timid siyaasadda dowladda Federaalka ee ay ka mid tahay shaqaalaheeda.
Arrintan ayaa salka ku heysa markii Samira Gayd oo hore u soo noqotay la-taliyaha gaarka ah ee Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay dhaliishay qaabka Baarlamaanka Federalaka u ansixiyay afara cutub ee Dastuurka.
Qoraalkeeda waxaa si kulul uga jawaab celiyay Wasiirka Batroolka xukuumadda Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed oo jawaab uu bixiyay ku eedeeyay Samiira inay ka baxday sharcigii shaqaalaha dowladda, kana hor timid siyaadda dowlad ay shaqaalaheeda ka mid tahay.
Qoralka Samiira Geyd iyo jawaabta kulul ee Wasiir C/risaaq ayuu soo baxday qoraalka shaqo ka eryida ee Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga, balse arrinta intaas kuma dhammaan ee siyaasyiin iyo dad u badan mucaaradka dowladda ayaa si weyn baraha bulshada ugu dhaliiyay talaabada shaqada looga eryay Samiira oo ahayd Khabiir dhinkaca amniga iyo la taliye wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya.
Xildhibaanno, wasiiro hore, siyaasiyiin iyo dad kala dywan ayaa dowladda ku dhaiilay in qof muwaadin ah shaqada looga eryo aragti ay ka dhiibatay ansixinta iyo wax ka bedelka dastuurka.
Samiira iyadoo aan dalka ka joogin ayey Wasaaradda Amniga kula shaqaynaysay La-taliye ahaan, waxayna ka mid ahayd mashruuca “Mashruuca Amniga iyo Caddaaladda ee Midowga Yurub (SJGAP)” kaas oo uu maalgeliyo Midowga Yurub.
Warqadda shaqo ka eryidda Samiir ayuu Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa si cad ugu sheegay in shaqada looga joojiyay arrimo la xiriiro qoraalkeedii baraha bulshada ay ku baahisay, wuxuuna ku eedeeyay inay ka ho rtimid mabaadi’da dhexdhexaadnimada ee laga rabo qof haya xil noocaas ah.