Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banadir ayaa maanta waxaa ka dhacay fal naxdin leh kadib markii Haweeney ka mid aheyd dadka degmada ku nool ay dishay Seygeedii oo ay u dhashay Labo Caruur ah.
Haweeneyda oo Magaceeda lagu sheegay Maryan Maxamed ayaa dilka Ninkeeda u adeegsatay Mindi ay qoorta uga jartay isla markaana ay falka ku wargelisay ehelka ninka oo goobta soo gaaray markii danbe.
Haweeneyda iyo Seygeeda ayaa la sheegay inuu muran u dhaxeeyay muddooyinkan danbe, kaasoo markii danbe isu bedelay gacan-ka-hadal keenay in la dilo aabihii reer oo ku baxay gacanta ooridiisii.
Ciidamada Booliska degmada Yaaqshiid oo goobta falka ka dhacay gaaray ayaa xabsiga dhigay Maryan Maxamed, iyadoo qabanqaabada aaska marxuumka ay bilaabatay.
Goobgooge.com