Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa haweeney Soomaali ah oo heysata dhalashada dalka Canada u magacabaay la-taliyeyaashiisa howlgallada nabad ilaalinta Caalamka.
Ilwaad Elman Cali Axmed ayaa shaacisay in lagu daray la-taliyeyaasha António Guturres, wuxuuna xilkeedu noqon doonaa la-taliyaha António Guturres ee maalgelinta howlgallada Nabad ilaalinta ee Waddamada soo kabanaya.
WaxayBoggeeda Istagram-ka ku soo qortay magacaabista, iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ka mid noqoshada la-taliyayaasha Xoghayaha guud ee Q/Midoobay. Haweeneydan oo 28 sano jir ah ayaa ku dhalatay Muqdisho intii aysan qoyskeeda u qixin dalka Canada, waxayna ka mid tahay 4 gabdhood oo uu dhalay Elman Cali Axmed.
Waxay Ilwaad ka mid tahay haweenka u dhaqdhaqaaqa Nabadda iyo xuquuqda aadanaha, waxayna iyada iyo Hooyadeed wada maamulaan Hay’adda Elman ee Nabadda iyo xuquuqul insaanka ee ka dhisan Koonfurta Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO WARKA
https://goobjooge.com/28-year-old-somali-woman-tasked-to-make-key-decisions-on-un-peacebuilding-fund/

![Haweeney Soomaali ah oo loo magacaabay la-taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay [Akhriso]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2016/08/Ilwad-Elman-e1521110444662.jpg)