Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Haweeneyda qura ee laba wadan ka noqotay Marwada Koowaad (Xaaska Madaxweynaha)

    Haweeneyda qura ee laba wadan ka noqotay Marwada Koowaad (Xaaska Madaxweynaha)

    August 29, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Graça Simbine waxaa ay dhalatay 17 cisho kadib geeridii aabaheed, waa qofka ugu yar qoys ka koobnaa 6 caruur ah, waxaa ay ku dhalatay gobalka Gaza ee dalkii la oran jiray  Portuguese East Africa kaas oo casrigaan loo yaqaano Mozambique.

    Waxay ka mid aheyd ardeydii ka faa’iideysatay nidaamkii hormarinta school-adda ka hor inta aaney deeq waxbarasho ka helin jaamacadda Lisbon ee wadanka Portugal, waxey sidoo kale wax kusoo baratay Jarmalka intii aaney ku lug yeelan dhaq dhaqaayaddii xornimo doonka, waxey ku hadashaa luuqadaha French, Spanish, Italian, Portuguese, English iyo sidoo kale luuqadeedda rasmiga ah ee Shangaan, Graça Simbine waxaa ay dib ugu soo laabtay dalkeeda 1973 iyadoo ku biirtay xisbigii xoreynta Mozambique ee (Frelimo), sidoo kale waxey noqotay macalimad School.

    Markii ay Mozambique xornimadda qaatay 1975-tii Simbine waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashadda iyo dhaqanka waxaana ay isla sanadkaas guursatay madaxweynihii ugu horeeyay ee Mozambique Samora Machel taas waxaa ay keentay inuu is badal ku dhaco magaceeda labaad waxaana Graça Simbine loo badalay Graça Machel oo ah sidda hadda dadku ay badi u yaqanaan, waxaa ay isku dhaleen 2 caruur ah waana Josina iyo Malengani, madaxweyne Samora Machel wuxuu ku dhintay shil diyaaradeed 1986-dii, markaa wixii ka dambeeyay Graça Machel waxaa ay ku biirtay shaqaalaha qaramadda midoobey gaar ahaan qeybta daryeelka iyo quudinta caruurta.

    18-kii July 1998-dii xaflad ka dhacday magaaladda Johannesburg ayey Graça Machel waxey rikoor ugu dhigtay aduunka markii ay la aqal gashay madaxweynihii xiligaas ee Koonfur Africa Nelson Mandela, habeenkaas waxey sidoo kale ku aadaneyd xili uu Nelson Mandela u dabaal dagayaayay dhalashadisii 80 aad, Mandela oo Koonfur Africa xukumaayay 1994-tii ilaa 1999-kii ayaa dhintay 5tii December sanadkii 2013.

    Graça Simbine ama sidda hadda loo yaqaano Graça Machel waa haweeneydda kaliya ee dunidan ka sameysay iney labo madaxweyne la jiifato oo 2 wadan kala xukumayay ama marwadda koowaad ee 2 wadan.

    Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

    Graça Machel Graça Simbine Mandela
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKulan Duco ah oo Muqdisho loogu sameeyay C/raxmaan Jaamac Barre [Sawirro]
    Next Article Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo