Haweeneydii labaad ayaa loo doortay kursiga Aqalka Sare ee baarlamaanka doorashada maalintii labaad ka socota magaalada Cadaado.
Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ku guuleysatay Kursigii lixaad ee xubnaha Aqalka Sare u matalaya Dowlad Gobaleed Galmudug, iyadoo kasoo jeeda Beesha Ceyr, waxayna ka guuleystay xildhibaan iyo siyaasi hore u soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdisamad Macalin Maxamuud.

C/samad ayaa ahaa musharax dhinac kale taageera kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe, isagoo mucaarad weyn ku ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayaa guul kale u ah Xasan Sheekh Maxamuud oo inta badan musharixiin ay gacansaar leeyihiin ku soo baxeen aqalka sare ee ka imaanaya Galmudug.
Wadani.com

![Haweeneydii labaad oo ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Galmudug [Musharixii Ahlu suna oo laga adkaaday]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2016/10/Jawaahir.jpg)