Haweeney ayaa markii ugu horeysay loo doortay inay noqoto Duqa Magaalada Roma ee caasimadda Dalka Talyaaniga kadib doorasho ay si weyn uga guuleystay musharixii la tartamayay.
Virginia Raggi, oo k socorta Dhaqdhaqaaqa loo yaqaan Shanta xiddigood (Five Star Movement’s (M5S) waxay heshay codad gaaraya 67%, waxayna ka guulysatay musharixii xisbiga Dimoqraadiga (Democratic party) oo lagu magacaabo Roberto Giachetti.
Giachetti ayaa guuldaradiisa qirtay in ka yar hal saacadood markii la soo xiray goobaha doorashada, isagoo u hambalyeeyay haweeneyda Virginia Raggi. Iyado ka hadashay guusheeda ayay sheegtay haweeneyda 37 jirka ah ee loo doortay duqa Roma inay Duq u noqon doonto dhammaan dadka reer Roma aya soo celin doonto cadaaladii iyo hufnaantii maamulka.
Guusha Virginia Raggi ayaa la sheegay inay jug weyn ku tahay xisbiga Dimoqraadiga ee Ra’iisal wasaare Matteo, ayna caddeyn u tahay in dadka dalkaasi ay ka niyad jabeen xisbiyada waaweyn.
Xisbiga Five Star waxaa aasaasay majaajiliiste Beppe Grillo kadib markii xiisadii dhaqaale ay ka dhacday dalka Talyaaniga, wuxuuna sanadkii 2013 xisbigaasi ka helay doorashadii guud ee dalkaasiku dhowaad 25%.
#coRAGGIo Segui la diretta: https://t.co/fXQl6niDrf #CambiamoTutto pic.twitter.com/PHngx5vwbK
— Virginia Raggi (@virginiaraggi) June 17, 2016
Wadani.com