Haweeneydii ugu horeyay ee asalkeedu Somali yahay oo xijaab qaadatay Raaqiya Ismaaciil ayaa 16-kii bishan May 2019 loo doortay Guddoomiye Degmada Islington ee Waqooyiga magaalada London, dalka UK.
Haweeneydan ayaa kasoo keeda Soomaliya oo ay ku dhalatay, iyadoo siyaasadda UK ku jirtay in muddo ah, waxayna golaha maamulka London kamid ahayd ilaa sanadkii 2012-kii. Waxay Raaqiya wax ku baratay dalka Ingiriiska, iyadoo xilal kasoo qabatay iskuulkii ay wax ka dhiganeysay, laakiin markii danbe u wareegtay dhinaca siyaasada.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa shegtay in Raaqiya ay tahay haweeneydii ugu horreysay ee xijaab xiran oo dalka Ingiriiska ka noqotay duq ama guddoomiye degmo. Howlaheeda ayaa ku saabsan adeegyada shacabka, waxayna inta badan ka qeyb gashaa munaasabadaha dadweynaha, iyadoo u mataleysa golaha ay ka tirsan tahay.
“Waa muhiim in gabar midabkeedu madow yahay ay ku jirto siyaasdada, sababta ay taasi muhiimka u tahayna waa in go’aannada la sameeyo intooda badan aan ku matalo nafteyda iyo dadka kale ee madowga ah ee laga tirada badan yahay”, ayay tiri Raadiya uu warrantay BBC World.


