Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa faallo kooban oo uu soo saaray uga digay inuu dalka Soomaaliya dagaal ka dhici karo haddii aan xal laga gaarin khilaafka ka taagan doorashada 2021.
Heritage ayaa baaq u dirtay beesha caalamka, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta Soomaalida, iyadoo sheegtay inay suurtogal tahay inuu dalka ka dhaco dagaal haddii aan la qaboojin xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaarka ah.
Talo bixin ay soo jeedisay ayuu mac-hadka Heritage ku caddeeyay inay lagama maarmaan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda fedeeraalka ay kulan isugu yimaadaan ka hor inta uusan dhamaanin muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood.
“Haddii khilaafkan sii socdo oo dhinac kasta doorasho qabsdo waa suuragal in dagaal dhaco, haddii ay xabbad bilaabatana waa suuragal in la joojin waayo…” ayuu yiri agaasimaha Heirtage.
Agaasimaha Machadka Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa sheegay inay madaxda sare ee dowladda iyo Kuwa maamul Goboleedyada ay diidan yihiin inay kulmaan oo ay wadahadlaan, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inay soo dhex gasho oo isu keento dhinacyada, kana tashadaan doorasho heshiis lagu yahay.
