Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Hay’adaha Dowladda Somalia u qaabilsan Dastuurka oo War-murtiyeed soo saaray. [Akhriso 6 Caqabad…]

    Hay’adaha Dowladda Somalia u qaabilsan Dastuurka oo War-murtiyeed soo saaray. [Akhriso 6 Caqabad…]

    February 7, 2019Updated:February 8, 20194 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu soo gabagabeeyay shir 4 maalmood socday oo ay lahaayeen hay’adaha saddexda ah ee dowladda Soomaaliya ugu xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka KMG ah.

    Gabagabadii shirka ayaa laga soo saaray caqabado  soo wajahay guddiyada oo gaaraya lix, iyadoo talo soo jeedin ku saabsan sidii loo dardar gelin lahaa howsha dhammeystirka Dastuurka, waxaana dadka Soomaaliyeed loogu bishaareeyay inuu meel wanaagsan marayo dastuurka

    HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

    Kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Hay’adood ee u xilsaaran Arrimaha Dib-u- eegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Dib -u- Eegisda iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka 4 – 7 Febraayo 2019, ayaa lagu qiimeeyay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadkii 2018 iyo sii ambaqaadka sanadka 2019.

    Kulanka waxaa kasoo qayb galay hay’adaha dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga lasocodka Dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayadoo ay goob joog ka ahaayeen Hay’adaha caalamiga ee UNSOM, UNDP iyo Max Planck.

    Saddexda hay’adood ee Dastuurka markii ay si qoto-dheer dib–u –eegis ugu sameeyeen tubta geedi socodka dib -u -eegista Dastuurka isla markaana qodob-qodob loo dul istaagay qorshahaas, waxaa la isla qiray in horumar weyn laga gaaray fulinta tubta geedi socodka dastuurka; waxaase soo baxay caqabado dhowr ah oo isugu jira kuwo la xiriirra qaab-dhismeedka, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

    Caqabadaha saameeyay habsami usocodka dib-u-eegista dastuurka 2018 waxaa ka mid ahaa:

    1- Khilaafaadka siyaasaadeed ee u dhexeeyey Dowladda Federalka Soomaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS,

    2- Walaac laga muujiyay hay’ado aan dastuuri ahayn oo faraha kula jiray dib-ueegista Dastuurka,

    3- Ergadii mataleysay Dawlad Goboleedyada kuna biiri lahaa Guddiga Madaxabannaan oo aan wali la dhamaystirin,

    4- Isbarbar yaac ka jiray arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka,

    5- Iska warqab la’aan ka jirtay hay’adaha taagera geedisocodka dib-u-eegista dastuurka

    6-Iyo Miisaaniyaddii loo qoondeeyey dib-u-eegista dastuurka ee 2018 oo aan sidii loo qorsheeyey loo helin iyo qoondadii 2019 ee hay’adaha dastuurku ay gudbiyeen oo aan la tixgalinin.

    Hadaba, hay’aduhu waxay soo jeedinayaan in la qaado tallaabooyinka soo socda si loo xalliyo caqabadahaas:

    1- In laga fogaado khilaafka siyaasadeed ee dhaawici kara geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka lana dadajiyo Arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, sida qodobada 54aad iyo 122aad, wada hadalka Soomaaliland IWM ah.

    2- Geeddi-socodka Dib-u-eegista dastuurka waa inay hogaamiyaan seddexda hay’adood ee heer Federaal ee loo igmaday.

    3-In Wasaaradda Arrimaha Dastuurku ay ku soo dhameystirto sida ugu dhakhsaha badan ergadii ku matali lahayd Dowlad Goboleedyada Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.

    4-Waxaa lagu heshiiyey in arrimaha wacyigelinta si wadajir ah looga hawl galo ayadoo la raacayo Qorshe-Hawleedka Geeddi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

    6-Wasaaradda Arrimaha Dastuurku waa in ay u hawl gashaa sidii la isugu keeni lahaa dhammaan hay’adaha caalamiga ee taageera dib-u-eegista dastuurka si loo looga yeesho aragti midaysan taageerada hawlaha geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

    7-In Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ay bixiso miisaaniyaddii loo qoondeeyey Dib-uEegista Dastuurka 2019, islamarkaana dib-u-eegista miisaaniyada xiliga dhexe ee 2019 qoondo ku filan loogu daro hay’adaha loo igmaday dib-u-eegista dastuurka.

    8-Waxaa la go’aamiyay in la bilaabo latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay laga bilaabo bisha Maarso 2019.

    9-Waxaa la isla gartay in ladadajiyo dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka cutubyada ka harsan.

    10-Waxaa lagu boorinayaa dhamaan hay’adaha qaran ee ay quseeyso shuruucda iyo hay’adaha hortabinta u leh dib-u-eegista dastuurka inay soo dhamaystiraan shuruucda iyo dhismaha hay’adaha looga baahanyahay.1

    1-Waxaa lagu balamay in kulanka xiga ee qiimaynta dib-u-eegista dastuurka ee hay’adaha dastuurka inuu qabsoomo 1da Juun 2019.

    Gabagabadii, hay’adaha dib-u-eegista dastuurka waxay ugu bishaaraynayaan ummadda Soomaaliyeed in geedi socodka dib-u-eegista dastuurka laga gaaray horumar wayn lana dhamaystiri doono inta dhiman sida ugu dhaqsiiyaha badan. Kulanka waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

    Dastuurka Guddiga Dastuurka Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeerar Bam oo Caawa lagu qaaday Ciidamo Bar koontarool ku lahaa Magaalada Muqdisho
    Next Article Alshabaab oo markii labaad duleedka Degmada Afgooye ku gubay Gaadiid xamuul oo Dhuxul siday..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo