Hay’adda Duulista Rayidka Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay cilad ku dhacday diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo siday dad gaaraya 207 oo rakaab, taasoo ka duushay Muqdisho, kuna socotay dalka Turkiga.
Diyaaradan ayaa la kulantay cilad uga timid dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dhinaca Itoobiya, taasoo keentay inay socdaalkeedii sii wadan weydo, dibna ugu soo laabato Garoonka Muqdisho.
âDiyaaradda ayaa ka duushay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho saacadu markay aheyd 1:15 ka, waxaana markii ay ku dhoweyd hawada dalka Itoobiya ku yimid cilad, hase ahaatee markii dambe waxay si nabad ah dib ugu soo laabatay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo nabad qabta mana jirto halis. Ugu dambeyn diyaaradda ayaa loo hagaajiyay xiriirka duulimaadka kaddibna ka duushay Garoonka iyadoo kusii jeeda dalka turkiga oo ay hore ugu socotay..” ayaa lagu yiri War kasoo Hay’adda Duulista hawada sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Shirkadda Turkish Airlines oo ku saabsan ciladda qabsatay diyaaradda Turkish Airlines oo ka mida shirkadaha ugu waaweyn ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.