Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Hay’adda Hormuud Foundation oo 100,000 oo Dollar ugu deeqday dadka ay Daadadka saameeyeen ee Beledweyne

    Hay’adda Hormuud Foundation oo 100,000 oo Dollar ugu deeqday dadka ay Daadadka saameeyeen ee Beledweyne

    May 2, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo ay meel xun sii gaareyso dhibaatada ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay Hey’adda Hormuud Foundation ku dhawaaqday inay 100,000 oo Dollar (Boqol kun oo Dollar)  ugu deeqday Dadka ay daadadka saameeyeen.

    Hey’adda Hormuud Foundation ayaa sheegtay inay lacagtaan gaarsiin doonto dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne, waxayna lacagtaan hordhac u tahay gargaar Bini’aadanimo oo ay hey’adda ku garab istaageyso dadka ay sida weyn u sameysay daadadka uu sameeyey Wabiga.

    War Saxaafadeed kasoo baxay Hey’adda Hormuud Foundation ayaa lagu yiri: ” Ugu horreyn waan u duceyneynaa dadka ay daadadka saameeyeen ee ku sugan Magaalada Beled-Weyne, waxaan ugu baaqeynaa Dadkaan ay dhibaatadu gaartay inay ku sabraan isla markaasna ay muujiyaan dulqaad”

    “Waxaan kharashkaan oo hordhac ah ugu talo galaynay in aan ku caawinno bulshadaas ku dhaqan Baladweyne, maadaama ay halkaas ka jirto musiibo u baahan in laga shaqeeyo sidii looga saari lahaa dadkaas”

    “Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay iscaawiyaan, si gaar ahna loo garab istaagi dadka hadda ay saameysay daadadka kuwaas oo ay heysato hooy la’aan, Raashin la’aan iyo duruufo Bini’aadanimo”.

    Hey’adda Hormuud Foundation ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo lacagtaas ugu qeybiso Magaalada Beledweyne dadka saameynta xooggan ku yeelatay daadadka kusoo fatahay Magaalada oo sababay inay isaga qaxaan ilaa 100 Kun oo Qoys halka ku dhawaad 30 kun oo  guri ay baaba’een sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Deeqda lacageed ay Hey’adda Hormuud Foundation ugu deeqday dadka ay daadadka saameeyen ayaa kusoo aadeyso  iyadoo safar uu Madaxweynuhu Maalin ka hor ku tegey Beledwdeyne ku tilmaamay Musiibo qaran isla markaasna uu ku baaqay in gargaarka deg deg ah lala soo gaaro.

    Hey’adda Hormuud Foundation ayaa looga bartay inay mar kasta Shacabka Soomaaliyeed la qeybsato dhibaatooyinka soo wajaho iyadoo ka qaadato kaalin muhiim ah waxayna weli shacabka Soomaaliyeed xasuustaan sidii weyneyd oo ay uga qeyb qaadatay musiibadii ka dhacday Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdsiho 14 october Sanadkii 2017.

    BELEDWEYNE Fatahaad Hormuud Foundation
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCasho sharaf loo sameyn lahaa xulka da’yarta Somalia oo u baaqatay is-qabsi dhex maray Madaxtooyda &….
    Next Article Faahfaahin ku saabsan Gabadhii ka tirsaned Hay’adda WHO ee lagu dilay Muqdiso [Aroos ay isu diyaarineysay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo