Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Hay’adda HRW oo Warbixin fadeexad ah kasoo saartay Xabsiga “Jeel Ogaadeeniya” ee Liyu Police-ka Somalida Itoobiya

    Hay’adda HRW oo Warbixin fadeexad ah kasoo saartay Xabsiga “Jeel Ogaadeeniya” ee Liyu Police-ka Somalida Itoobiya

    July 5, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda Bani aadamka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa Warbixin cusub oo fadeexad ah ka soo saartay sida ciidamada Ammaanka Itoobiya ay jirdilka ugu gaystaan islamarkana ay u kufsadaan maxaabiista siyaasadda ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

    Warbixinta oo ka kooban 88 bog islamarkana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen “jeel ogaadeen” .

    Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta.

    Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xiro xabsiga “Jeeyl Ogadenia” ay yihiin kuwa lala xiriiriyo in ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF oo ah mucaarad dalkaasi laga mamnuucay.

    Hay’adda Human Rights Watch ayaa wareysiyo ka qaaday in ka badan 100 qof, oo intooda badan ka mid ahaa maxaabiistii Jail Ogadeeniya ku xirneyd sanadihii u dhaxeeyay 2011 iyo 2018.

    Dhibanayaashani ayaa ka sheekeeyay sidii loogu hor garaaci jiray maxaabista kale hortooda iyaga oo qaawan.

    Mid ka mid ahaa maxaabiistii horey halkaasi ugu xirnaa ayaa sheegay in muddo 3 sano ah kaligii uu qol ku xirnaa islamarkana markii habeenkii la gaaro la soo bixin jiray si loo jirdilo.

    Saraakiisha booliiska ayaa lagu eedeeyay in aysan amri jirin oo kali ah jirdilka iyo kufsiga, balse ay sidoo kale ka qayb qaadan jireen.

    Warbixinta hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegaysa in caruur badan ay ku dhisheen xabsiga Jeel ogaadeeniya islamarkana caruurtaasi sida la sheegay qaarkood ay ahaayen kuwa dhashay ka dib kufsi ay gaysteen ilaalada xabsiga.

    Qaar ka mid ah maxaabiista haweenka ah ayaa sheegay in ay xabsiga ku dhex umuleen iyaga oo aan helin adeeg caafimaad.

    Aqlabiyada maxaabiista ay wareysiyada ka qaaday Human Rights Watch ayaa sheegay in aan waligeed aan maxkamad la soo taagin oo aan dacwad lagu soo oogin.

    Hay’adda Human Rights watch ayaa intaa ku dartay in jirdilka uu yahay dhibaato ka jirta dalka Itoobiya islamarkana ay soo gaaraan maalin waliba warbixinno ka hadlaya tacadiyo.

    Rai’sul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa qiray in ciidamada ammaanka ay jirdil u gaysteen dad Itoobiyaan ah.

    Waxaa imika sii kordhaya baaqyada ku aadan in cadaaladda la horkeeno oo lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay dacadiyadan.

    DDSI HRW Itoobiya Jeel Ogadenia Liyu Ploice
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSomali Villagers Resist al-Shabab Militants Recruiting Children
    Next Article Kooxda Alshabaab oo Gaari Shacab ah rasaas ku furay & Haween ku dhintay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo