Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa ka digtay amni darro ay dheegtay inay ka dhalan doonto dekadda magaalada Mudisho.
Qoraal uu soo saaray taliska NISA ee Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay inay muddo ku daba jireen dhaqaalaha ay Alshabaab ka helaan dekadda Muqdisho iyo galaangalka ay u leeyihiin inay kala so degaan maadooyinka qarxa, sidaasina lagu qabtay 79 tan oo maadada sulfuric Acid ah, iyadoo gacanta lagu hayo ganacsato marin u ahayd Alshabaab.
NISA ayaa go’aansatay inay baarto dhammaan Konteenarada laga soo dejiyo Dekadda Muqdisho, balse ay arrintaasi ka hor yimaadeen Saldhigga Booliska Dekadda, Laanta ilaalada Canshuuraha, Kastamka Wasaaradda Maaliyadda, Maamulaha Dekadda Muqdisho iyo maamulka Dekadda.
“Waxaan cadeyneynaa Taliska NISA ee G/Banaadir uusan qaadi doonin mas’uuliyadda amni darro ee ka dhalan doonta dekadda Muqdisho” ayaa lagu soo gab agb eeyay qoraalka Taliska NISA ee G/Banaadir.

