Wararka laga helayo xubnaha Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dib u eegista heshiiska qaabka doorashada 2016 ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray qodobkii ugu cuslaa ee la isku mari waayay, kuna saabsanaa in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo hore ay uga reebeen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.
Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mida guddiga ayaa sheegay in arrinta waqtiga dheer qaadatay ee Gobolka Banaadir inuu metelaad ku yeesho Aqalka sare laga heshiiyay, laguna daray aqalka sare.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Xalay goor danbe arrintan la isla qaatay markii qodobkan uu noqday mid ay ku qabsadeen guddiga Baarlamaanka, isla markaana digniin adag ay ka soo baxday odayaasha dhaqanka Koonfurta Soomaaliya oo uu hogaaminayo Imaam Maxamed Yuusuf.
Madaxda maamul goboleedyada dalka oo xalay shir la isugu yeeray si arrintan ay u ogolaadaan ayaa dhamaantood aqbalay arrintan markii xaaladu noqotay mid adag oo qarka loo saarmay in fashil ku yimaado heshiiska.
Guddiga Baarlamaanka oo 25 xubnood ka koobnaa, dibna loogu daray 5 xubnood oo kale ayaa diiday inay ka tanaasulaan arrinta Gobolka Banaadir, waxayna soo jeediyeen in lix xubnood Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Wadani.com