Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Heshiis Qarsoodi ah oo dhex maray Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya [Akhriso]

    Heshiis Qarsoodi ah oo dhex maray Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya [Akhriso]

    December 26, 2018Updated:December 26, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khilaafkii u dhaxeeyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeeyay kadib markii qodobkii ay isku hayeen xeer jajab lagu afjaray, waxayna heshiis hoose la galeen xukuumadda Soomaaliya.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenadiis C/weli Muudey iyo Mahad Cabdalla ayaa isla gartay inay saddex xubnood oo ah madaxdii Guddigaasi laga saaro Guddiga Maaliyadda ee ay isku heysteen, kaasoo Guddoomiye ku xigeenada ay kala direen, halka Guddoomiyaha uu dib u soo celiyey.

    Dhinaca heshiiska keenay in la isku shaandheyn lagu sameeyo Guddigii Maaliyadda, waxaa ku soo hoos jiray heshiis kale oo Guddoonka Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ay ku heshiiyeen in degdeg loo ansixiyo miisaaniyadda 2019, iyadoo aan dood dheer laga gelin.

    Qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ka dhex muuqda heshiiskan qarsoodiga ah oo xildhibaanno badan ay shaki ka muujiyeen, waxaana lagu faray guddiga Maaliyadda iyo xubnaha cusub ee lagu soo daray inay doortaan guddoon, isla markaana 30-ka bishan Disembar 2018 ay Golaha Baarlamaanka ku hor keenaan Miisaaniyadda, isla maalintaasina uu ansixiyo Baarlamaanka Miisaaniyadda.

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inta uusan sanadkan dhammaan oo 5 maalmood ay ka harto la ansixiyo Miisaaniyadda si ay magac xumo uga imaan inay miisaaniyad la’aan noqoto sanadka cusub.

    Waxaa xusid mudan inuusan in Baarlamanka Soomaaliya aanu sameyn xisaab-xirka miisaaniyadda labadii sano ee xukuumaddan ay joogtay 2017 iyo 2018.

    Heshiiska qarsoodiga ah ee dhex maray Guddoonka Baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa ku saabsan in Guddoonka uu cod geliyo Miisaaniyadda 2019 iyadoo aan dood badan laga yeelan.

    Baarlamaanka Guddiga Maaliyadda Miisaaniyadda Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKulan Duco iyo Baroordiiq ah loogu sameynayo Weriye Cawil Daahir Salaad oo Muqdisho ka socda [Sawirro]
    Next Article DEGDEG: Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo doortay Guddoon cusub [Akhriso Magacyada]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo