Heshiis qaroodi ah isla markaana xeer jajab ah oo aan sharci iyo dowladnimo midna xiriir la lahayn ayaa laga gaaray murankii ka taagnaa canshuur ay Wasaaradda Maaliyadda dowladda KMG ah ka bilowday inay ka qaado Koontaroolada laga soo galo caasimadda iyo qeybaha ganacsiga oo ay ku jiraan suuqyada Gobolka Banaadir.

Arrintan oo qeylo dhaan xoog leh uu ka soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) kuna hanjabay inuu xilka uga tegi doono haddii aan la joojin canshuurtaasi ayaa la sheegay in murankaasi xalin waayeen xildhibaanno, hanti dhowrka guud iyo khubaro loo xilsaaray oo dhammaantood caddeeyay inay khaldan tahay wasaarada maaliyadda, waxaana arrintan si toos ah ugu lug lahaa Muxidiin Xasan Jurus oo agaasime waaxeed ka ah wasaaradda maaliyadda iyo wasiiru dowlaha Maaliyadda dowladda Federaalka C/llaahi Maxamed Muur (Qoraalkii hore ee arrintan ka akhri halkan).
Wararka ay heleyso Goobjooge.com ayaa xaqiijinaya in dhibaatadani markii loo caal waayay ay labada nin si qarsoodi ah loo kulansiiyay ayna is afgarteen iyadoo aan cidna ku lug yeelan marka laga reebo madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ku war geliyeen inay heshiiyeen. Is qabqabsiga hay’adaha dowladda iyo sharci darrada lagu gaarayo heshiisyada hoose ayaa muujineysa sida ay tabar darran yihiin hay’adaha dowladda iyo heerka ay gaarsiisan tahay ku takri falka awoodda.
Goobjooge Info
Muqdisho