Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Heshiiska Doorashada ee la saxiixay: Dhuroobe ayaa u dhashay, Dhagarqabena waa ka dhintay! (Qormo)

    Heshiiska Doorashada ee la saxiixay: Dhuroobe ayaa u dhashay, Dhagarqabena waa ka dhintay! (Qormo)

    May 28, 2021Updated:May 28, 20212 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shalay waxaa lagu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis doorasho oo ay wada saxiixeen hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay RW Rooble, madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

    Sannad ka hor ayey ahayd in la saxiixo heshiiskan oo kale si doorasho u dhacdo inta uusan dhamaanin muddo xilliyeedka Barlamaanka Federaalka. Nasiib darro, Farmaajo oo xilligaa ka cabsanayay doorashada ayaa nala aaday jiq aan waddo marin, dalkana geliyay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo si dirqi ah Ilaahey nooga badbaadiyay.

    Siyaasada Farmaajo ee ku dhisnayd muddo kororsiga, marinhabaabinta iyo ila meereysada waxay soo gaartay ilaa shalay gelinkii dambe, taas oo magac xumo u soo jiiday, meeqaamkiisa wax weyn u dhibtay.

    Tusaale waxaa ugu filneed shalay markii uu soo galay hoolka xaflada lagu qabanayay laguma soo dhaweyn xamaasaddii iyo meeqaamkii madaxweynenimo ee uu lahaan jiray Farmaajo, wuxuuna ahaa qofka ugu taageerada yar madaxdii shirkaas ka soo qaybgalay, halka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ahaa mas’uulka ugu taageerada badnaa oo markii uu soo galay halmar isla diryaamay hoolkii.

    Ceebta Farmaajo ku dhacday si loo qariyo dhalinyarada protocol-ka hayay waxay maciin bideen in ay shidaan muusikadii astaanta calanka si dadka loo istaajiyo duqana habmaamuus Madaxweyne oo macmil ah loogu sameeyo!

    Waxaan u mahadcelinaynaa RW Rooble, Madaxweyne Axmed Qoorqoor, Madaxweyne Cali Guudlaawe, Madasha iyo Ciidamada Badbaado Qaran iyo dhamaan waxgaradkii Soomaaliyeed ee jidka ku soo celiyay tareenkii doorashada, fahmayna xaajada xallismi la’ in uu sababteeda leeyahay dhagarqabaha hoggaanka hayay.

    Soomaalidii hore waxay dhihi jireen xaajo hadii ay murugto waa la sugaa “Dhuroobe u dhasha ama Dhagarqabe ayaa ka dhintee”. Dhuroobaha dalkaan u dhashay waa RW Rooble, wuxuuna dalka iyo dadka ka badbaadshay dagaal iyo burbur in uu dib ugu laabto, abaalkeedana ummadda Soomaaliyeed waa u heysaa.

    Sidoo kale guushan waxaa kaalin mugleh ka qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyagana waxaan leenahay waa midaad u dhalateen, u dhaarateen, mas’uuliyadana la idinkugu dhiibay in aad ka soo dhalaasheena waad ku mahadsantihiin.

    Mar kale waxaan idin leeyahay hambalyo iyo horusocod wanaagsan.

    Guuleysta!

    W/Q: Xildhibaan Mahad Salad

    Farmaajo Qormada Mahad Salaad Qormo Rooble
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFarmaajo: “Cafiska uu soo jeediyey walaalkay, Madaxweynahaygii hore ee aan saaxiibka nahay, Sheekh Shariif..”
    Next Article Ciidamada Dowladda oo Dab qabadsiiyey Xarun ay Alshabaab ku lahaayeen Gobolka Sh/Dhexe

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo