Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»UPDATED: Heshiiska maamul u sameynta Gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo lagu saxiixay Muqdisho

    UPDATED: Heshiiska maamul u sameynta Gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo lagu saxiixay Muqdisho

    August 8, 2015Updated:August 8, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhoweyd ka furmay ka socda  ka furmay shirka lagu saxiixayo heshiis maamul loogu sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Shirka oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan ayaa looga dhawaaqay in 1-da September uu furmi doono.

    labagobol

    Xaflada saxiixa maamul u sameynta labada gobol waxaa ka qeyb galaya, Madaxda sare ee dowladda, Wasiirada dowladda ee ka soo jeeda labada gobol, Guddoomiyeyaasha Goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Xildhibaanada labada gobol ka soo jeeda, wakiilo ka socda Q/Midoobay, IGAD iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

    Wasiirada ku sugan shirka waxaa ka mida:

    1. Wasiirka Amniga
    2. Wasiirka Macdanta iyo Batroolka
    3. Wasiirka Kaluumeysiga
    4. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaaalaha
    5. Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    6. Wasiiru Dowlaha Maliyadda
    7. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyda
    8. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysul-Wasaaraha
    9. Wasiiru Dowlaha Ganacsiga
    10. Wasiir ku-xigeenka Caafimaafka
    11. Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka

    Xaflada ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu saxiixo heshiis maamul loogu sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kadibna ay wasaaradda arrimaha gudaha la wareegi doonto furista shirka, inkastoo weli isku maanshaafsan yahay halka la dhigayo gogosha shirka. Waxaa goobta lagu soo bandhigay hanaanka loo marayo guddiga farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo la isku raacay in muddo 60-cisho ah lagu soo gabo gabeeyo dhismaha Maamulkaasi.

    saxix

    Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay qorshaha lagu doonayo dhismaha Maamul u sameynta labada gobol iyo heshiiska maanta lakala saxiixday.

    Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa isna dhankiisa xusay inay tahay wax lagu farxo dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, laguna heshiiyay habka loo marayo.

    Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa sheegay in Wasaaraddu ay gacan ka geysaneyso dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, isla markaana loo marayo hanaan dib u heshiisiineed, isu tanaasul iyo wadatashi lala yeelanayo qeybaha bulshada  ee labada gobol.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu horeyn Wasaaradda Arrimaha gudaha ugu hambalyeeyay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug iyo sida loogu guuleystay, isgaoo xusay in Xukuumadda oo jirta muddo yar ay gaartay guul weyn, uuna soo dhaweynayo dhismaha Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

    Xsheekh

    Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in la qaaday waddadii lagu dhameystiri lahaa nidaamka Federaalka ah, isla markaana dhismaha labada gobol ay ka turjumeyso in dowladdu ay ku talaabsatay hanaan dimoqradiyadeed iyo dowlad wanaag sida uu yiri.

     

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

     

    Heshiis saxiix Maamul u sameynta Hiiraan & Sh/dhexe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowlada Mareykanka oo dhaqaale ugu deeqday ciidamada Booliska Soomaaliya
    Next Article Wasiirkii Caafimaadka Jubba oo la sii daayay & Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo oo xabsi guri ku jira

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo