Kursiga Fahad Yaasiin uu doonayo inuu soo qaato oo lasoo hormariyay iyo Malxiiskiisa oo lasoo bandhigay
Guddiga Doorashada maamulka Hirshabeeele ayaa shaaciyay kuraastii ugu horeysay ee lagu dooranayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ah degaan doorashada labaad ee Hirshabelle.
Gudduga SEIT Hirshabelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne oo la qabanayo 20-ka Bishan Febraayo 2022. Kuraasta waxaanku jira Kursiga HOP086 oo uu doonayo inuu soo qaato Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Kursigan ayaa lasoo hormariyey, waxaana magaalada Beledweyne inuu kursigan u sharxan yahay ka shaaciyey Ahmed Dayib Ahmed (Dhega-caleen) oo la sheegay inuu Fahad Yaasiin la tartami doono malxiis ahaan.
Liiska Kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah:

