Guddiga Hirgelinta doorashada ee Hirshabeelle ayaa markii ugu horeysay shaaciyey kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu dooranayo magaalada Jowhar xarunta Hirshabeelle.
“Guddiga Hirgalinta Doorashada HIRSHABELLE wuxuu shaacinayaa qabashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta doorashada Golaha shacabka JFS, ee taalla magaalo madaxda Hirshabelle ee Jowhar” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Guddiga xalay saqdii dhexe kadib.
LIISKA KURAASTA LA SHAACIYEY AYAA KALA AH:
#HOP 005
#HOPO24
#HOP 033
#HOP O52
#HOP 070
#HOP 088
#HOP 097
#HOP 098
#HOP 106
#HOP 115
#HOP 140
13-ka Kursi ee laga soo doorto magaalada Jowhar ayaa waxaa laga reebay laga kursi oo tirsigoodu kala yahay: #Hop141 oo uu hore ugu fadhiyey Xildhibaane Maxamed Abukar Islow, iyo #Hop146 oo uu ku fadhiyey C/llaahi Maxamed Nuur, kaasoo la sheegay in la siiyay Madaxweyihii hore Shariif Sheekh Axmed.
