Allaha u naxariistee waxaa Galabta magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida Itoobiya ku geeriyooday Hobolkiicaanka ahaa ee Daa’uud Cali Masxaf.
Daa’uud Cali Masxaf ayaa in muddo ah la xanuunsanayey macaanka, laakiin shalay ayaa la sheegay inuu xanuunsaday, isagoo xanuunkaasi maanta loo geeyay Isbitaalka magaalada Jigjiga, waxaana markii la geeyay uu sheegay inuu naqaska ku dhegay, kadibna uu geeriyooday, sida uu sheegay wiilkiisa Siciid Daa’uud.
Wuxuu fanka ku biiray sanadihii 1979-kii, wuxuuna noqday macalinka ugu weyn ee Kabanka tuma, wuxuuna isku ahaa Mu’alif, heesaa iyo mulaxamiiste, isagoo mar la wareystay sheegay in heestii ugu adkeyd ee uu laxan saaro ay ahayd “Heesta ay wada qaadaan Maandeeq” oo muddo bilo ah ku qaadatay.
Daa’uud wuxuu ahaa reer Jowhar, wuxuuna dagaaladii kadib degay dalka Jabuuti, isagoo iminkana ku sugnaa magaalada Jigjiga, waxaana tacsi u diray madax iyo dad kala duwan oo asxaab la ahaa.