Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Hoggaamiyihii Boko Haram Abubakar Shekau oo la shaaciyey inuu Qarax is-miidaamin ah isku dilay

    Hoggaamiyihii Boko Haram Abubakar Shekau oo la shaaciyey inuu Qarax is-miidaamin ah isku dilay

    June 7, 2021Updated:June 7, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hoggaamiyaha kooxda Boko Haram Abubakar Shekau ayaa is-dilay kadib dagaal uu la galay dagaal-yahanada kooxda Daacish ee Gobolka Galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo (ISWAP), sida laga ogaaday cod la duubay oo Axaddii ay wakaaladda wararka AFP ka heshay kooxda.

    Dhimashadiisa ayaa ka dhiggan is-beddel weyn oo ku yimid dagaalka 12 sano jirsaday ee Nigeria ay kula jirto jihaadiyiinta, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof, kuna barakaceen laba milyan oo kale oo ku nool waqooyiga bari ee dalkaas.

    Boko Haram weli si rasmi ah ugama aysan hadlin dhimashada hoggaamiyaheeda, halka ciidanka Nigeria uu sheegay inuu baarayo sheegashadan.

    “Shekau wuxuu door-biday in lagu bahdilo aakhiro intii lagu bahdili lahaa dunida. Wuu is-dilay isaga oo isku xiray walxaha qarxa,” waxaa sidaas lagu yiri cod u eg inuu yahay kan hoggaamiyaha ISWAP Abu Musab Al-Barnawi, oo ku hadlaya luuqadda Kanuri.

    Codka oo aan laheyn taariikh ayaa waxaa wakaaladda wararka AFP siiyey il-wareed horey fariimaha uga soo gudbin jiray kooxda.

    ISWAP ayaa codka kaga hadashay sida ay dagaal-yahano ugu dirtay gabbaadka kooxda Boko Haram ee kaymaha Sambisa, halkaasi oo ay ka heleen Shekau, isaga oo dhex fadhiya gurigiisa waxayna kadib la galeen dagaal.

    “Halkaas ayuu dib uga laabtay oo uu ka baxsaday, wuu cararay wuxuuna gaaf wareegayey kaymaha muddo shan maalmood ah. Si kastaba, dagaal-yahanada ayaa sii waday inay raadiyaan oo ay ugaarsadaan kahor inta aysan helin,” ayaa lagu yiri codka.

    Kadib markii laga helay duurka, dagaal-yahanada ISWAP ayaa ku booriyey isaga iyo kuwa taabacsan inay towbad keenaan, ayuu codka intaas ku daray, hase yeeshee Shekau wuu diiday kadibna wuu is-dilay.

    Kooxda ISWAP ayaa 2016 ka go’day kooxda Boko Haram, kadib markii ay kasoo horjeesatay beegsiga aan kala soocda laheyn ee Shekau ee Muslimiinta rayidka ah iyo u adeegsigiisa haweenka ee qaraxyada is-miidaaminta ah.

    Abubakar Shekau Boko Haram Nigeria
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKulan dhex maray RW Rooble iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya (Taageero laga codsaday UAE)
    Next Article Taliyaha Booliska G/Banadir oo Dhoolatus u tegay Jidka Afgooye, kadib Warbixin sir ah oo ay baahisay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo