Hoggaaminaya dalka Kuuriyada Waqooyi wiilka yar ee Kim Jong-un ayaa dib u dhigay qorshe weerar gantaallo ah lagu qaadi lahaa jasiirada Mareykanka ee Guam.
Hoggaamiyahan ayaa tegay xarunta ciidamada dalkaasi, isagoo wakaalada wararka ee dalkaasi ay sheegtay inuu dib u eegis ku sameeyay qorshaha Gantaalaha ee Waqooyiga ku damacsaneyd inay ku rido Jasiirada Guam ee badweynta basifiga oo Mareykanku leeyahay.
Warka kasoo baxay hoggaamiyaha sare ee Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu sheegay inay isha ku heyn doonaan wixii uu Mareykanku ku kaco, isla markaana ay xilli waliba qaadi doonaan tallaabadii loo baahdo.
Dhowaan ayay ahayd markii dalalka Waqooyiga Kuuriya iyo Mareykanka ay is weydaarsadeen ereyo kulul iyo hanjabaadyo, taasoo xaaladda ka dhigtay mid laga cabsado in dagaal niyukliyeer ah uu ka dhaco dunida.
Dhinaca kale madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi President Moon Jae-in ayaa ku booriyay Mareykanka inuusan wax tallaabo dagaal ah ku dhaqaaqin isagoo aan ogolaasho weydiisan dalkiisa.