Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Ra’ila Odinga ayaa ku dhawaaqay go’aankii lag sugayay ee ku saabsan natiijada doorashada dalkaasi ka dhacday.
Shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd qabtay ayuu hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka NASA ku sheegay inuu maxkamad la tiigsan doono Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inuu hayo caddeymo ku filan oo waxba kama jiraan ka dhigaya natiijadii uu shaaciyay Guddiga Doorashada Kenya.
Raila Odinga ayaa shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in Uhuru Kenyatta aanu ahayn madaxweyne la doortay ee uu yahay shaqsi computer uu soo saaray, dadka badan ee Kenyana ay isaga doorteen.
“Dadka Kenya waxaa loo sheegay inaysan ka bannaabixin, kana cabanin hogaamiyaha dusha looga keenay ee lagusameeyay Computer-ka” ayuu yiri Raila Odinga oo ka noqday go’aankiisii hore ee ahaan inaan maxkamadda ka dacwoon.