Suldaankii dalka Cumaan Suldaan Qaabuus Bin Saciid ayaa lagu dhawaaqay inuu xalay geeriyooday, kadib muddo uu la xanuunsanayey cudurka Kansarka.
Suldaankan ayaa ahaa 79 sano jir, wuxuuna dhashay sanadkii 1940-kii, kadibna wuxuu aabihii Saciid BIn Taimur oo dalkaasi xukumayay u diray waxbarasho dibadda ah isagoo 16 sano jir ah, siiba dalka Ingiriiska oo dalkaasi hore u gumeystay, wuxuuna ka qalin jebiyey Akadeemiyadda Sandhurst military academy, wuxuuna muddo yar ka mid noqday ciidamada Ingiriiska.
Markii uu dalkiisa dib ugu laabtay ayaa waxaa dhacday inuu xukunka kala wareegay aabihii sanadkii 1970, isagoo ku sameeyay afgembi aan dhiig ku daadan oo ay ku taageereysay dowladda Ingiriiska. Aabihii ayaa sanadkii loo masaafuriyey dalka Ingiriiska, halkaasoo uu ku dhintay 1972.
Suldaan Qaabuus Bin Sacuud wuxuu dalkiisa soo xukumayey muddo 50 sanadood ah, isagoo ka duwanaa madaxda dalalka kale ee Carabta iyo kuwa Khaliijka. Dalkaas ayuu dib u dhis weyn ku sameeyay, wuxuuna ka fogeeyay xiisadaha iyo dagaalada Bariga Dhexe, isagoo qaaday jid ka duwan dalalka kale, waxaana lagu yiqiin inuusan kasoo muuqan fagaarayaasha, isla markaana uu dalkiisa hormuud u ahaa dhexdhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan.
Suldaan Qaabuus ayaan guursan marka laga reebo guur waqti yar ku burburay oo kulmiyey haweeney lagu magacaabo Amaal ay ilmo-adeer ahaayeen, mana jiro guur kale oo uu galay iyo wax caruur ah oo uu dhalay, iyadoo goor dhoweyd xilka Suldaanka dalkaasi ay Qoyskiisa u magacaabeen Haytham Bin Daariq Alsaciid.