Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya u taagan ayaa la sheegay in saacadihii ugu danbeeyay ee ololaha doorashada uu hoos u dhac ku yimid.
Shariifka ayaa xogta la helayo ay sheegtay inuusan wax kharash ah bixin xalay oo laga war sugayay markii musharaxiinta kale ay boorsooyinkooda fureen, waxaana uu xildhibaanada ka xirtay albaabada isagoo sheegay inuu mar kale la hadli doono.
Xildhibaanadii taageersanaa Sheekh Shariif ayaa xilli dambe xalay kala aaday musharaxiinta Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Cumar oo weli danbe lagu gaaray isna, waxaana xaaladda heysata Shariifka la saadaalinayaa inay ka dhalatay dhaqaale darro.
Shariifk ayaa xaaladii ugu cusleyd ay heysataa marka loo eego musharaxiinta safka hore oo intooda badan ay lacago ku faraqeen xildhibaanada, waxaana mugi weyn ku jiraa tartanka uu geli doono, haddiiba uu ku dhiirado inuu doorashsada ka qeyb galo.
Dad badan oo ay ka mid yihiin gacan-yareyaashii Sheekh Shariif ayay la yaab ku noqotay inuu xilli dambe oo xalay ah u sheego inuusan heysan kharash uu doorashada ku galo, taasoo ahayd wixii ugu danbeeyay ee laga sugayay marka la eego balanqaadyadiisii hore.
Wadani.com