Hooyada dhashay askariga Mareykanka ah ee ku geeriyooday dalka Ciraaq
Ghazala Khan ayaa jawaab kulul siisay musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxweynaha Mareykanka, kadib markii uu su’aal ka keenay inaysan hadlin xilligii uu saygeed khudbad ka jeediyay shirkii xisbiga Dimoqraadiga.
Ghazala Khan ayaa sheegtay in Trump uu yahay nin jaahil ka ah islaamka, isla markaana aan waxba ka aqoon ereyga NAF-HURNIMO.
Qoraal ay ku qortay boga ra’yiga ee Jariirada Washington Post ay hooyadani ku sheegtay in ninkeeda uu weydiiyay haddii ay dooneyso inay shirka ka hadasho, basle aanay dooneyn hadalka maadaama ay aad niyadeeda u kacsaneyd oo aanay awoodin inay shirka ka hadasho.
“Inaad masraxa shirka fuusho, oo sawiro badan oo wiilkeyga ah ay yaallaan, waan hanan kari waayay nafteyda, maxay hooyo sameyn kartaa, Donald Trump wuxuu leeyahay caruur uu jecel yahay, Miyuu u baahan yahay inuu la yaabo sababta aan u hadli waayay” ayay qoraalkeeda ku tiri Ghazala Khan.
Waxay kaloo sheegtay in marka uu Donald Trump ka hadlayo islaamka, uu jaahil ka yahay, haddii uu islaamka iyo quraanka dersi lahaana ay isbedeli lahaayeen fikradaha khaldan ee uu islaamka ka heysto.
Donald Trump ayaa canbaareyn iyo fadeexad soo jiitay kadib markii uu wax ka sheegay hooyada dhashay askariga Mareykanka ah ee lagu dilay Ciraaq Kabtan Humayun Khan, isagoo wareysi uu siiyay telefishanka ABC ku sheegay sheegay in laga yaabo inaan loo ogolaan inay hadasho, hadalkan oo si weyn loo canbaareeyay.
“Meesha ayay iska taagneyd, waxba ma oran, laga yaabee inaan lo ooglaan inay hadasho” sidaan waxaa yiri Donald Trump oo sii raaciyay inuu naf-hurnimo badan sameeyay isagoo shaqooyin badan abuuray, wax badanna u qabtay Mareykanka.
Aabaha dhalay askariga Mareykanka ee ku dhintay Ciraaq Khirz Khan ayaa khubad saameyn badan reebtay ka jeediyay shirkii Dimoqraadiga isagoo dhulka ku jiiday Donalnd Trump. [AKHRI OO DAAWO]
Dada badan ayaa sheegay in Donald Trump uu ku dhacay shirqool ay u keentay afxumadiisa, isagoo ka gaabsan karay inuu dood la galo qoys wiilkooda ka dhintay isagoo ka mida ciidamada Mareykanka. Qoyskan reer Khan ayaa u muuqda inay Donald Trumo dhibaato u keeneen, kana daba geeyeen.
Wadani.com