Dhacdooyinka xanuunka leh ee uu reebay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Baar Italia oo u dhow Muqdisho Mall, degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho waxaa ka mida inay ku dhinteen hooyo iyo wiil kuray ah oo ay dhashay.
Shukri C/llaahi iyo Maxamed Jacdar oo 17 sano jir iyo curad xigeenkeeda ayaa ku dhintay qarixii maanta, waxaana wiilka la sheegay inuu dhowaan ka qalin jebiyey dugsi Sare. Hooyo Shukri ayaa dhashay lix caruur ah oo isugu u weynaa, midka ugu yarna uu maalmo kaliya jiray.
Qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad ka badan 20 qof, iyadoo dadka ku dhintay ay ka mid yihiin shaqaalaha Baarka, wiil caseeye ahaa iyo dad ku sugnaa baarka oo ay wehliyaan qaar kale oo wadadda xilligaasi marayey.
Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Muqdisho joogtada uga socda ayaa gaalaftay dad fara badan, iyadoo aysan muuqan qorshe wax looga qabanayo.