Hooyo Soomalaiyeed oo 60 sano jir ah iyo wiil ay dhashay oo dhalinyaro ah ayaa nolol derbi jiifnimo ah ku nool magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Jariirada Daily Mail ayaa qortay sheekada qoyskan ee yaabka leh, waxayna arrintooda ka danbeysay markii guri ay deganaayeen looga saaray inay bixin waayeen kirada sanadkii 2014, waxayna markaas kadib guri ka dhigteen dhinaca wado mashquul badan oo magaalada London ku taalla (Tooting High Street).
Hooyadan iyo wiilkeeda ayaa diiday Guri jiif ah oo ay u diyaarisay magaalada London, iyagoo door biday inay jidkaasi ku noolaadaan, waxayna noqdeen dad derbi jiif ah oo cunto iyo biyo ay siiyaan dadka wadadda maraya.
Sheekhada Hooyadaan Soomaaliyeed iyo wiilkeeda ayaa mudo afar sano ku dhow ay dariiqyada London hoy u ahaa, ayaa si weyn loo hadal hayaa, waxaana lasoo bandhigay guriga loogu deeqay ee diideen kana door bideen inay ku hoydaan jidka.




.