Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan kooxda Alshabaab.
Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ilaa 15-ka mida Alshabaab lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay duqeyn xalay ka dhacday tuulada Hargeysa Yarey ee Gobalka Jubada Dhexe, iyadoo la sheegay in la weerarray goob ay shirayeen saraakiisha sare ee Al-Shabaab.
Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-KM u jirta tuulada Hargeysa yarey, iyadoo la sheega in saddex Gantaal lagu dhuftay goobtaasi. Horjoogayaasha Alshabaab ee shirka goobtasi joogay ayaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen: Daahir Gacamey, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Horjooge Waliid iyo kuwo kale.
Ma jirto cid xaqiijisay warkan iyadoo aysan weli wax war ah kasoo saarin taliska Mareykanka ee AFRICOM.