Horjooge ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inuu qaabilsanaa qaraxyada ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.
Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Ahmed Caddow, wuxuuna ka tirsnaa oo Alshabaab u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Gaar ahaan maleeshiyada ka howlgasha Gobolka Gedo, gaar ahaan Magaalada Garbahaarey.
Wararka ayaa sheegay in horjooge Yuusuf Axmed uu xiriir la sameeyay Saraakiisha Ciidamadad owladda, wuxuuna Saaka iska dhiibay magaalada Garbahaarey, iyadoo ay la wareegeen taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Garbahaarey.
