Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay koox ka tirsan Al-Shabaab oo ka kooban Afar Xubnood gacanta ku dhigtay howlgal ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe.
Qoraal kasoo baxya Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in kooxda la qabtay uu hogaaminayey Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ay maanta iska soo dhiibeen gobolka Sh/dhexe, isagoo horkacayay dagaaladii dhowaan ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Koox ka Tirsan Khawaarijta Shabaab kuwaas oo ka kooban Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
Horjooge Macalin Xudeyfa ayaa horkacayay maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhowaan lagu jebiyay dagaaladii ka dhacay Shabeelaha dhexe.
Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle.
