Taliska Ciidanka Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay horjooge ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
Horjoogaha ayaa lagu magacaabaa Cabdixakiin Xuseen Yuusuf Isxaaq oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab, isagoo kasoo goostay, isuna dhiibay ciidamada Nabad Sugida ee Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Ninkan ayaa sheegay inuu kooxda Al-shabaab ka mid ahaa mudo afar sano ah waxaana uu ku sheegay sababaha uu uga soo baxay Al-shabaabin ay tahay dhaca xoolaha Umadda Soomaaliyeed.
Horjooge Cabdixakiin ayaa ku baaqay in si wanaagsan loo soo dhaweeyo dhalinyaradii uu uga soo tagay Al-shabaab oo uu sheegay in qaarkood ay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixi lahaayeen falalka guracan ee Argagixisada.