Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Degmadda Buurhakaba Gobolka Baay, ayaa soo bandhigay horjooge sare oo katirsaa kooxda Al-shabaab oo isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.
Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Xasan Cali, wuxuuna muddo dheer ka tirsanaa Alshabaab, kana mid ahaa madaxda kooxda ee Gobollada Koonfureed. Horjoogaha Alshabaab ka tirsan ayaa sheegay in kooxda Alshabaab dhexdeeda ka jiro khilaaf xoog leh, ayna bilaabeen in dhexdooda ay is dilaan
Is dhiibista horjoogaha ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inuu laf ahaantiisa la soo baxsaday naftiisa, markii uu ka baqay in la khaarijiyo, kadib markii xubno ka tirsan Alshabaab looga shakiyey inay wadahadal kula jiraan dowladda Soomaaliya.