Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in horjooge ka tirsana Al-Shabaab ayaa Maanta isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Hor-joogahan oo lagu magacaabo Yaroow Xasan Aaden, loona yaqaan Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.
Yaroow Xasan Aaden (Seyfu-Laah), ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin.
Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabbilsanaa isku xirka Ciidanka iyo hor-joogayaasha.



