Horjooge ka tirsan Alshabaab ayaa isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya iyadoo hay’adda Nabadsugidda ay soo bandhigay horjoogahan.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) ayaa lagu soo bandhigay Xarunta NISA ee Gobolka Banaadir, waxaana caawa saxaafadda wareysi kula yeelatay halkaasi.
Wuxuu ahaa madaxa Xafiiska Waxbarasha Gobollada Baay iyo Bakool, isagoo uu sheegay in sidoo kale uu xilal dhowr ah ka soo qabtay Al-shabaab.
Wuxuu caddeeyay inuu ka horjeeday qaabka khaldan ee diinta u fasireyso Alshabaab oo muddo laba sano ahba aanu la dhacsaneyn falalkooda.
Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) Horjooge ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay dowladda Soomaaliya
Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee muddooyinka isu soo dhiiba dowladda Soomaaliya iyadoo Alshabaab ay hadda sii kordhisay falalka qaraxyada iyo dilka ah ee Koonfurta Soomaaliya.
Wadani.com