Sarkaal ka tirsanaa maleeshiyada Al shabaab ayaa maanta isu dhiibey ciidamada maamulka K/Galbeed ee Sooomaaliya oo ku sugan degmada Berdaale.
Sarkaalkan horjoogaha ah ayaa iska dhiibay degmada Bardaale ee Gobolka Bay, waxaa lagu magacaaba Ibrahim Maxamed Adan (Ibraahim Boolis) , kasoo Alshabab u qaabilsanaa, maaliyadda, isagoo ahaa Madaxa maaliyada degmada Bardaale, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta maamulka K/Galbeed.
Horjoogahan ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaan deganada degmada Bardaale, isgoo muddo dheer ka tirsanaa ururka Alshabab, waxaana waanwaan kadib isaga iyo qori uu watay uu isu dhiibay maamulka degmada Berdaale.
Gudoomiyaha Berdaale Maxamed Isaxaaq Araxas ayaa sheegay in xiriir uu lasoo sameeyay maamulkiisa markii uu go’aansaday inuu ka baxo Alshabaab, kadibna ay u diyaariyeen qaabkii uu Alshabaab uga baxsan lahaa.