Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»Ganacsiga»Hormuud Telecom oo noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Somali ah oo la siiyo shahaadada ISO CERTIFICATION

    Hormuud Telecom oo noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Somali ah oo la siiyo shahaadada ISO CERTIFICATION

    March 24, 2020Updated:March 24, 20202 Mins Read Ganacsiga
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka sare ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud  wuxuu ku faraxsan yahay inuu la wadaago macaamiisha, saamilleyda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in Shirkadda Hormuud ay ku guuleysatay shahaadada caalaamiga ah oo ay summaddeedu tahay ISO  9001:2015.

    Shahaadadan ayaa ah aqoonsi ka turjumaya in  adeegyada  shirkadda, sida: Isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan, Internet-ka,  EVC Plus, iyo sidoo kale daryeelka macaamiisha, iyo hab-maamulka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay  waafaqsan yihiin habraaca caalaamiga ah ee halbeegiisu lagu asteeyay tayada wanaagsan.

    Aqoonsigan ayaa ah natiijadii ka dhalatay sideed sano oo dadaal ah oo ay maamulka shirkadda Hormuud iyo waaxyeheeda kala duwan u galeen ka mira-dhalinta guushan. Dadaalladaas waxaa ka mid ahaa hubin iyo kormeer joogto ah (Internal Audit) ay samaynaysay Shirkadda Hormuud.

    Sidoo kale Hayadda Halbeegyada Aduunka (International Standard Organization) ISO ayaa u soo dirtay xafiisyada shirkadda khubaro sameeya kormeero kala duwan (External Audit). Dhammaan Kormeeradaasi shirkadda Hormuud way ku guulaystay, waxayna ku mutaysatay shahaadada Hab Maamulka Tayaysan (Quality Management System Certificate) ee ISO 9001:2015.

    Muddadii ay jirtay shirkadda Hormuud waxay in ka badan 35 kun oo shaqo ka  abuurtay guud ahaan koonfurta iyo bartahama Soomaaliya.

    Marka laga reebo bixinta adeegyada isgaarsiineed, waxay shirkadda Hormuud mar waliba qayb ka tahay samafalka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada  abaaraha, fatahaadaha, iyo u-gargaaridda bulshada Soomaaliyeed kuwooda mudan in la gacan qabto.

    Ugu dambayn, Shirkadda Hormuud waxay sii wadi doontaa xasilinta himilooyinkeeda fog ee ku aadan iney noqoto isgaarsiinta ugu fiican geeska Afirca. Waxayna mar waliba u taagan tahay daryeelidda macaamiisheeda iyo in ay ugu adeegto habka ugu fiican uguna tayada wanaagsan.

    Hormuud ISO Shirkadda Hormuud
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Amniga oo beeniyay in Dowladda Somaliya ay Ciidamo Dul dhigtay Sheekh Shariif.. (Akhriso)
    Next Article Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu qabtay Qaad si la yaab leh loogu soo Qariyey Alaabta xamuulka..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo