Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»Ganacsiga»Hotel Saxafi International ee Muqdisho oo 2 sano kadib dib loo furay (Sawirro)

    Hotel Saxafi International ee Muqdisho oo 2 sano kadib dib loo furay (Sawirro)

    August 5, 2020Updated:August 5, 20202 Mins Read Ganacsiga
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Laba sano kadib waxaa maanta dib loo furay Hotel Saxafi International oo ay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay sababeen inuu mudadaas xirnaado, waxaase loo sameeyay maanta xaflad furitaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

    Xafladii furitaanka ee maanta oo ka dhacday hoolka shirarka ee Hotelka waxaa kasoo qeyb galay xubno ka kala socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, wasiiro, masuuliyiinta dagmada Wadajir, xubno ka tirsan rugta ganacsiga Soomaaliyeed, qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale oo aqbalay casuumadii ay fidiyeen madaxda Hotel Saxafi.

    Xubnahii kasoo qeyb galay xafladda furitaanka ayaa si gaar-gaar ah ugu mahad celiyay ganacsatada isku xilqaamay iney dib u furaan Hotel Saxafi International.

    Xubnahii fursadda u helay iney ka hadlaan xafladda waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaaa oo mahad celin ballaaran u jeediyay maamulka Hotel-ka, wuxuuna carabka ku dhuftay in hotel-ka ay rag badan ku waayeen, sidoo kalana ay dib u dhiskaan daliil u tahay sida ay bulshada reer Muqdisho uga quusan iney qurxiyaan wadankooda.

    Xildhibaanka wuxuu si guud u amaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada oo mar walba isku daya iney soo banaan dhigaan bilicda dalka, isagoo dowladda ugu baaqay iney ganacsatada gacan weyn ka siiso soo kabashada hadii dhib gaaro.

    Dhinaca kale gudoomiyaha cusub ee dagmada Wadajir oo uu hotel-ka ku yaalo ayaa mahad celintiisa kadib si gaar ah ugu amaanay ganacsatada sida ay xil isaga saareen qurxinta dagmada uu hogaamiyo, wuxuuna ugu dambeyntii tacsi u diray dadkii hotel-ka ay dhibaatada ku gaartay.

    Cabdikariim Maxamuud Gabeyre oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa isna ka hadlay kaas oo sheegay in dal walba ay adduunka ka gadi karaan ganacsatada, wuxuuna rajeeyay in ganacstada kale ay maalgalin ku sameyn doonaan dalka si loo dareemo quruxdiisa.

    Waxaa kaloo meesha ka hadlay Sh. Cabdiweli Muuse oo ah gudoomiyaha bangiyada ganacsiga iyo xawaaladleyda kaas oo khudbadiisii kusoo koobay oo kaliya mahad celin la xiriirta ganacsatada isku xilqaamay iney dib u taagaan hotel qiimo ku leh bulshada Soomaalida.

    Ugu dambeyntiina Siyaad Xaashi Maxamed oo ku hadlayay afka madaxda hotel-ka ayaa qof walba oo kasoo qeybgashay xafladda furitaanka isla markaana aqbashay casuumaadooda uga mahad celiyay wakhti siintooda iyo sharafta ay ugu yimaadeen.

    Hoteal saxafi Muqdisho Sahafi International
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo: “Xaawo Cabdi waxay si isxilqaan ugu adeegaysay Dadkeena danyarta ah”
    Next Article AKHRISO: Maxaa ku qarsoon Heshiiska Dhaqaalaha Itoobiya & Somalia ee ay dedejiyeen Golaha Wasiirada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo