Hotelka SYL oo xalay ay weerar ku qaadeen dabley ka tirsan Alshabaab ayna ka dhex dagaalamayeen muddo 7 saacadood ah ayaa caawa dib loo furay 24 saac kadib weerarkaasi.
Waxaa hotelka ka muuqday raadkii uu ku reebay weerarkii xalay, waxaase dib u bilowday shaqadii hotelka, inkastoo aanay dad badan ku sugneyn, taasoo muujineysa dhabar adeyga Ganacsatada iyo dadka Muqdisho.
Weerarka ka dhacay Hotelka SYL oo marar badan ay Alshabaab bar-tilmaameedsadeen ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen dad ku dhow 10, halka dhaawacyadu gaarayaan 15 kale.