Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»HOTELKA SYL: Astaan u taagan ku takri-falka Hantida Qaranka (WARBIXIN XASAASI AH)

    HOTELKA SYL: Astaan u taagan ku takri-falka Hantida Qaranka (WARBIXIN XASAASI AH)

    May 22, 2015Updated:May 22, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladihii isaga danbeeyay talada dalka xiligii kumeelgaarka iyo dowladda hadda dalka ka jirta oo mid rasmi ah lagu tilmaamo waxaa si baaxad leh u socday ku takri falka hantida qaranka, iyadoo ay ka siman yihiin hogaanka sare, wasiirada iyo mas’uuliyiinta ka hooseysa.

    Wadani.com oo aalaaba shacabka u soo bandhigta xaqiiqada ku wareegsan dowladda iyo madaxda dalka waxay maanta soo gudbineysaa qormo ku saabsan Hotelka caanka noqday dhowaanahan ee lagu magacaabo SYL iyo qaabka uu ugu gacan galay dad kooban oo shacabka ka mida iyadoo laga saaray dantii guud ee qaranka lagana dhigay hanti gaara oo ganacsi.

    Dhismaha hadda loo yaqaan Hotelka SYL wuxuu ahaa dhisme ay dowladii Soomaliyeed ee hore hirgelisay, waxayna dagaaladii sokeeye ee 1991 dhaceen iyadoo uu gabagabo ku dhowaa dhismahan balaaran oo ay lahaayeen ururkii dhalinyarada ee hoos tegi jiray Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga. Waxaana loogu talo galay in lagu qabto shirweynayaasha dhalinyarada Soomaaliyeed.

    Muddo dheer kadib dagaaladii sokeeye wuxuu dhismahan noqday mid aan si la adeegsan walow uu ahaa dhisme adag oo si fiican loo dhisay, waxayna arrintiisu soo gaartay xiligii dowladii KMG ahaa ee Sheekh Shariif, markaasoo loo helay deeq lagu dayactiro.

    syl22

    Dowladda Denmark ayaa ku deeqday dayactirka dhismaha SYL, waxaana mashruuca dayatirka fuliyay gobolka Banaadir oo xilligaasi uu madax ka ahaa Mudane Maxamed Axmed Nuur (Tarsan). Kharashka deeqda ah ee dhismaha SYL lagu dayac tiray wuxuu ahaa 370,000 (Saddex boqol iyo toddobaatan kun oo doolar) iyadoo dowladda Soomaaliya loogu talo galay inay adeegsato.

    Laakiin maxaa dhacay markii dayactirkaasi dhammaaday waxaa  dhismaha SYL la wareegay dowladda waxaana markan talada heysa xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

    Waxaa dhismaha hunguri ka galay dad fara badan oo doonayay inay qaabab kala duwan ku helaan hantidaas dowladeed laakiin waxaa markii danbe lagu bixiyay heshiis mugdi ah oo la yaab leh, waxaana ku lug yeeshay dadka soo socda:

    syl11

    • Ra’iisal wasaare Saacid iyo afadiisa
    • Wasiirkii arrimaha gudaha ee xilligaasi
    • Iyo Wasaaradii dhalinyarada oo markaas raacsaneyd warfaafinta  wasiirkeedii iyo agaasimaheeda guud

    Waxaa la isku soo duba riday heshiis dhismaha loogu kireynayo laba qof oo markii danbe saddex  noqday, heshiiskaasi wuxuu dhigayay:

    • In la kireeyay dhismaha SYL
    • In sanadkii lagu kireeyay lacag gaareysa $7000
    • In heshiiskaasi soconayo muddo 30 sanadood ah

    Arrintan waxay u hirgashay sidii loogu talo galay, shirkadda saddexda qof ee hantidan qaranka la wareegay waxay ku sameeyeen dhismaha qurxin iyo qalabeyn heer sare ah, wuxuuna muddo dhowr bilood kadib ah noqday hotel dowlada Soomaaliya ku hirato.

    Hotelka oo aad ugu dhow madaxtooyada waxaa hadda degan in ka badan 60 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo mas’uuliyiin dowladeed, waxaana habeen kasta ay bixiyaan lacag u dhaxeysa ($60-$130), marka lacagtaas loo eego tan lagu kireeyay waxaa kuu soo baxaysa heerka ay gaarsiisan tahay ku takri falka hantida qaranka iyo sida hantidii danta guud marka lagu bixiyo sharci darro haddana lagu luminayo lacagtii qaranka oo dib loogu celinayo dad gaara oo  asal ahaan dhisme dowlad leedahay la siiyay.

    Mar kasta oo hotelkaasi aad booqato waxaad la yaabeysaa sida wasiiradeenii, madaxdii Qaranka iyo saraakiishii wadanka ugu faraxsan yihiin iyagoo aan dib u eegin  goobta ay joogaan.

    syl33

    Milkiilayaasha Hotelka SYL (Magacyadooda iyo faahfaahintooda markii loo baahdo ayaanu soo daabici doonnaa insha Allaah) ee sidaasi ku hantiyay dhismahaasi ma jirto cid dib u eegtay ama kula xisaabtantay hantidaasi, xilli ay dowladda Fedeaalka dhaqaale darro heysato oo ay ka doodayaan sidii ay dhaqaale u heli lahayd xukuumadda.

    Ku takri-falka hantida waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hortaagan dowladnimada, waxayna xal u helideeda fure u noqon doontaa dagaal run ah oo dowladdu la gasho musuqmaasuqa. Baarlamaanka, xukuumadda iyo hanti dhowrka guud waxaa looga fadhiyaa inay soo celiyeen hantida qaranka ee sida khaldan ku maqan iyo dib ugu laabashada heshiisyada noocan oo kale ah.

    Wadani.com

     

    [ad name=”HTML-1″]

     

    [ad name=”HTML-6″]

    Hotelka SYL Musuq Warbixin
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRO & WARBIXIN Socdaalkii wasiirka arrimaha dibadda Qatar ee Muqdisho
    Next Article Muslim preacher linked to Al-Shabaab terror freed on bail

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo