Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa weerar ku qaadeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Kobo ee Gobalka Jubbada Hoose ku burburiyey xaruntaasi.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan iyadoo taliyaha ciidamada Xoogga dalka ee qeybta 43aad eGeneral Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) uu sheegay in ciidamada ay u dhow yihiin degmada Jamaame.
Ciidamada xooga dalka ayaa howlgalkan ku soo saaray miinooyin ku dhow 20 oo la soo bandhigay, waxayna ciidamdu sheegeen inay shalay gaareen degaanada Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji





