Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Danab ay howlgal ka dhacay Gobolka Sh/Hoose ku dileen tiro badan oo ka mida maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Ciidamada Guutada 16aad ee kumaandooska Soomaalita ayaa las heegay inay howlgal balaaran ka fuliyeen degaanka Baloow Eylo ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasina ay ku dileen in ka badan 30 Al Shabaab ah oo qaraxyo ku diyaarinayay Gaadiid ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, sida warka lagu sheegay.
Taliyaha guudata Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa laga soo xigtay in weerar duqey ah lagu gubay gaadiidkii argagaxisadu ay doonayeen inay ku halaagaan shacabka Soomaaliyeed, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyey howlfalkan.
Dhowaan ayey ahayd markii la shaaciyey in Guutada 16aad ee Danab ay Alshabaab kala wareegtay 7 tuulo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, iyadoo aanay jirin xaqiijisay.
Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa shaaciyey weeraro iyo howlgallo lagu qaaday Alshabaab, mar kasta oo Alshabaab qaraxyo waaweyn ka fuliso magaalada Muqdisho.