Kadib markii Maxamed C/llaahi Farmaajo looga adkaaday doorashadii xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa isla markiiba caasimadda Muqdisho ka bilowday howgal ka dhan ah sawiradiisa.
Goobaha caamka ah iyo xafiisyada dowladda ayaa la bilaabay in laga fujiyo, lagana nadiifiyo sawirrada madaxweynihii hore ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyadoo sawirrada madaxweynaha cusub lagu bedelayo.
Dhamaan xafiisyada sida oo ay ugu horeeyaan wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ayaa waxaa la suraa sawirka madaxweynaha Soomaaliya ee xilka haya, waxaana soo dhammaaday 5 sano oo afar ka mida uu si sharci ah halkaasi ugu dheganaa sawirkii madaxweynaha hore.
Waxaa hadda Muqdisho ka socda qabanqaabada caleemo-saarka madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad 5 sano kadib kusoo laabanaya xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya.

