Habeenkii labaad waxaa caasimadda Muqdisho ka dhacay howlgal lagu qaaday xarumo ay isugu tagaan dhalinyaro iyo dad waaweyn oo ku howlan dhaqan xumo iyo adeegsiga Daroogada.
Howlgalkan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay lagu qaaday halka loo yaqaan Saba iyo Bostch. oo ku yaalla degmada Hodon, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka.
Goobaha howlgalka ka dhacay ayaa waxaa buux dhaafiyey gabdho iyo wiilal adeegsata la sheegay inay xilli danbe Nalalka isku dansadeen, gaar ahaan halka loo yaqaan Boosh, wuxuuna u jeediyay khudbad waano iyo canaan ah, isagoo amray in la xiro xarumahaasi.
Goob ka mid kuwii howlgalka ka dhacay waxaa lagu qabtay dareyska ciidamada Milateriga oo cusub, kasoo tiradiisu ay gaareysay 45 joog iyo saddex Qori, meelaha qaar waxaa laga helay Qalabk Shiishada lagu cabo oo fara badan.
Goobaha dhaqan falalka dhaqan xumada ka dhacaan ee caasimadda ayaa muddo dheer soo jiray, mana ahayn qarsoodi, balse waxaa hadda uun bilowday howgallo ka dhan ah.