Howlgal ka dhan ah Mootooyin falal amni darro ka wada magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa hawlgalkan kusoo qabtay Mootooyin isugu jira Bajaaj iyo kuwa dhugdhugleyda ah oo looga shakiyey in lagu fuliyo falalka burcadnimo ee ka dhaca degmaadaasi, iyadoo lagu soo qabtay howgalka 19 Mooto, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Boondheere.
Waxaa Mootooyinkan lagu soo bandhigay Degmada Boondheere, iyadoo ay qaarkood sumad la’aan ahaayeen. Taliye kuxigeenka booliska degmada Boondheere Shariif Cabdulle Taakow ayaa wuxuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 19 Mooto oo sharciga ay geyn doonaan.
Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Seynab Yuusuf Wehliye ayaa sheegay in dadkii mootooyinka ku qaraaban jiray ay soo qabteen intooda badan, qaar kalena ay ku daba jiraan.