Ciidamada ammaanka Muqdisho ayaa Howlgal xalay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Wadajir waxa ay ku soo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo isugu jira Xashiish, Khamri.
Ciidamada ayaa intii ay Howlgalka ku jireen waxa ay soo qabteen Laba Qori iyo Laba Bastoolad, kuwaasi oo si sharci daro ah loogu heystay gudaha degmada, mararka qaarna lagu dhibaateyn jiray shacabka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay Howlgalka inuu ahaa mid qorsheysan, laguna doonayay in lagu soo qabto waxyaabaha ka baxsan amniga.
Wuxuu sheegay C/fataax Xalane in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen gurigii waxyaabahan lagu soo qabtay, dadkii deganaa iyo Hubkii laga soo qabtay, sharcigana la horgeyn doono.