Ciidamada gaarka ah ee NISA ayaa soo afjaray weerarkii kooxda Alshabaab ku qaaday Hotelka Naasahablood 2 oo socday muddo 11 saacadood ah.
Guud ahaan maleeshiyada weerarka ku galay hotelka ayaa ahaa 4 qof oo midkood isku qarxiyay isla markii uu galay hotelka ciidamadii ilaalada ahaa, waxaana 3 ka mida ay gudaha u galeen hotelka iyadoo rasaas iyo bambooyin kula dagaalamay ciidamada.
Saddexdii dabley ee Alshabaab ayay ciidamada nolol ku qabteen, waxaana ciidamada ammaanka ay howlgalka soo afjareen 4:00-subaxnimo waxyar ka hor salaadii subax, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan raggaasi, islamarkaana ay ku waddaan baaritaan. Waxaa kaloo hotelka laga soo badbaadiyay ilaa 30 qof .
Qasaaraha weerarkii Qaraxa ku bilowday ayaa hadda gaaraya 25 dhimasho ah iyo 40 kale oo dhaawac ah. Saaka ayaa meydad kale laga soo saaray dhismaha hotelka.
Meydadka saaka la soo saaray ayaa laga helay Goob Harqaanle ah oo Lix wiil oo Meyd ah laga helay., waxaana tirada dhimashada la filayaa inay sii kororto.
Wadani