Ciidamada sida gaarka ah u tababarran ee Gashaan ayaa saaka soo gabagabeeyay howlgal saacado ka socday Baarka caanka ah ee Pizza House.
Baarkan ayay xalay galeen dabley ka tirsan kooxda Alshbaab kadib qarax aad u weyn oo lala beegsaday labada baar ee kala ah: Pizza House iyo Posh Treats oo ah laba Baar oo dhalinyarada qurbe joogta iyo ajnabigu tegi jireen.
Dagaalka dableyda looga saarayo hotelka ayaa socdey in ku dhow 11 saacadood, waxaana saaka markii lasoo afjaray kadib dhismaha Pizza House laga soo saaray meydad gaaraya 6 gabdhood oo la sheegay in laba kamida ay walaalo ahaayeen.
Weerarkan oo saameyn badan yeeshay burbur xoog leh gaarsiiyay laba Baar ee la weeraray iyo degaanadii u dhowaa waxaana qasaaraha dhimashada ay ku dhowdahay 20 halka dhaawaca 30 kale lasoo weriyay.
Ciidamada ammaanka ayaa toogtay dhammaan dableydii weerarku ku gashay gudaha baarka oo xalay oo dhan ay la tacaalayeen, rasaas goosgoos ahna ay dhaceysay.
Weerarka waxaa sheegtay kooxda Alshabaab, wuxuuna soo afjaray xasilooni ay Muqdisho ku jirtay Bishan Ramadaan iyadoo weerarro waaweyn aanay dhicin, laakiin laga cabsi qabay inay dhici karaan waqti kasta.
Wadani