Howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidmada NISA ayaa caawa ka socda magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda ee NISA ayaa caawa ku baxay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, halkaasoo dad fara badan lagu soo qabtay.
Ciidamada ayaa galay xaafado bartilmaameed u ahaa oo ka tirsan sida SOS, Suuqa Xoolaha, Warshadda Baastada iyo xaafadaha ku teedsan. Dadka Degaanka ayaa sheegay in dhalinyaro fara badan lagu soo ururiyay howlgalka oo lagu xiray xarun ay NISA ku leedahay degaankaasi.
Rasaas goosgoos ah ayaa la soo weriyey inay ka dhacday xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa iyadoo halkaasi la ogyahay inay awood ku leeyihiin xoogag taabacsan Alshahab.
Dadka xaafadahaas ku nool ayaa warbaahinta u sheegay inay xaaladda kacsan tahay oo dhalinyaro badan laga kaxeystay xaafadahooda.
Howlgalkan ayaa ka danbeeyay falal dilal iyo qaraxyo ah oo ku soo batay magaalada Muqdisho, kadib markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wadani.com